Soomaali walaalo ah oo lagu maxkameeyay Denmark

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa xukuntay labo walaalo Soomaali ah oo haysta dhalashada dalkaas, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay xiriir la lee yihiin ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Maxkamadda degmada Aarhus ayaa ku heshay Guuleed Maxamed Warsame oo 24 jir ah iyo Nuur Maxamed Warsame oo 19 jir ah inay wadeen falal argagixiso ah.

Sida ay xeer beegtidu sheegtay Guuleed ayaa tababar ku qaatay xero milateri oo Al-Shabaab ku lee dahay meel ku dhow caasimada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ka hor intuusan ku noqonin Denmark bishii March 2012.

Walaalkiis ma uusan aadin Soomaaliya, balse waxay maxkamaddu ku heshay dambi ah inuu lacag u diri jiray walaalkiis muddadii uu ku sugnaa Soomaaliya.

Labada walaalaha ah oo ku noolaa degmada Aarhus in ka badan 16 sano ayaa sheegay inaanay dambi lahayn, waxayna rafcaan ka dalbadeen xukunka.

Duniya Nuur Rooble oo ah hooyada dhashay labada walaalaha ah ayaa sheegtay inay ka xun tahay xukunka lagu riday wiilasheeda oo ay sheegteen inaanay wax xiriir la lahayn ururro argagaxiso ah.

Waxay sheegtay in wiilkeeda Guuleed uu Soomaaliya tegay sanadkii 2011 si uu u booqdo eheladiisa halkaas ku nool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here