Walaalo shalay iskaga hor imaaday kulankii Banaadir iyo Elman

Kulan aad u xiiso badan ayaa shalay galab ka dhacay garoonka Banaadir Stadium Ex Koonis ee Dagmada C/Casiis, kaasoo dhexmaray kooxaha Banaadir Sports Club iyo Elman.

Ciyaartan ayaa ahayd midii Todobaad ee laga ciyaaro Horyaalka Dalkeenna Soomaaliya ee 2016/17, waxayna ciyaartan ku soo idlaatay 2-1 ay ku badisay kooxda Banadir Sports Club.

Balse arinta xiisaha leh ayaa ahayd in Ciyaartan ay waxaa kasoo wada muuqdeen labo xiddig oo walaalo ah oo labada dhinac u kala dheelayey, waana Caadil Cali Nuur oo matalayay kooxda Banaadir Sports Club iyo walaalkiis Cabdullaahi Cali Nuur oo xirna fanaanadda kooxda Elman.

walaalo

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here