Wakiilo ka socda UN-ka, Midowga Africa iyo EU oo maanta la kulmayo madaxda

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kulan xasaasi ah ku qaataan madax ka socato UN-ka oo Muqdisho shalay soo gaaray iyo xubno ka tirsan baarlamaanka. 

Xubnaha wafdigaan caalamiga ah waxaa hor boodaya ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Christian Manhal, ayaa soo gaaray shalay magaalada Muqdisho, waxaana ay xooga saari doonana sidi marka hore xal loogaga gaari lahaa qilaafka barlamaanka.

Waxay maanta barqadi qaabili doonaan xildhibaano ka kala socda kooxda teegeersan Shariif Xasan iyo mudanayaal ka socdo xildhibaanadi xilka ka qaaday 13-ki bishaan gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sida ay sheegayaan wararka waxay kulamo kala gaar ah la yeelan doonaan sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan iyo madaxweyne Sharif Shekeh Axmed, waxa kale oo ay kala hadli doonana sidi ay ugu diyaar garoobi lahaayeen shirka lagu wado Talaadada soo aadan magaalada Garoowe.

Mr Manhal ayaa shalay kula soo kulmay magaalada Garoowe madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxman Faroole waxaana ay usoo balan qaadeen in uusan shirka baaqan doonin.

“Shirka wuu furmi doonaa waxaana uu ku dhamaan doona asi guul leh.” ayuu yiri kadib shir jaraa,id oo uu ku qabtay Garoowe Mr Manhal. 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.