Wajigii koobaad ee Ciyaarihii degmooyinka G.Banaadir oo soo gaba gaboobay iyo diyaar garowga wajiga labaad (Sawiro)

Waxaa wali si habsami leh uga soconaya garoonka kubadda cagta Banaadir
Stadiom ciyaaraha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa maanta
soo gaba gaboobay wajigii koobaan ee ciyaarahaasi.

Kadib kulan xiiso badan oo galabta isku arkay ciyaartoyda degmooyinka Wadajir Vs Xamarweyne , waxaana kulankaasi uu ahaa mid xiiso iyo xamaasad badan watay iyadoona ciyaartaasi ay usoo daawasho tageen guddoomiye yaasha degmooyinkaasi oo ay wehliyeen boqolaal taageero yaal ah.

Ku waasoo buux dhaafshay garoonka kubadda cagta ee Banaadir Stadiom, > waxaana ciyaartaasi ay kusoo idlaatay 3-0, oo ay guusku ku raacday
kooxda kubadda cagta Wadajir oo 3- ugu awood sheegatay kooxda degmada
XamarWeyne.

Wadajir mudane Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) waxa uu abaal marin
usiiyay ciyaartoyda degmadiisa lacag dhan 500$, isagoona ku guddoon
siiyay abaal marintaasi gudaha garoonkaasi kadib markii ay ciyaarta
dhamaatay.

Ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir oo noqday kuwo soo jiita
taageerayaal gudaha magaalada Muqdisho iyo dibaddaba kuwasoo maalin
katsa ay usoo daawasho tagaan boqolaal taageerya yaal, halka kumanaan
kale oo ku nool daafaca caalamkana ay kala socdaan warbaahinta kala
duwan.
Wareegii koobaad ee ciyaarahaasi ayaa maanta gaba gaboobay, iyadoona
ay soo baxeen 8-degmo oo kala ah.

Dharkiinleey, Shibis, Wardhiigleey, Hodan, Wadajir, Waabari,
Yaaqshiid, iyo Howl-wadaag, waxaana la filayaa in maalinta bari ay uu
biloowdo wareega labaad ee ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir.

Waxaana bari daah furi doona wareega labaad ee ciyaarahaasi
degmooyinka kala ah Wardhiigleey VS Hodan, oo ciyaarta hore wada
hardami doona, halka ciyaarta dambana ay isku arki doonaan kooxaha
kubadda cagta degmooyinka Dharkiinleey VS Shibis.

Amaanka garoonka kubadda cagta Banaadir Stadiom oo ah halka ay ka
socdaan ciyaaraha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa si weyn loo
adkeeyay iyadoona ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidamada
Booliska Soomaaliya, waxaana galab walba usoo daawasho taga dadweynaha
ku dhaqan magaalda Muqdisho iyo gobolada ku xeeran.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo daafaha
caalamka ayaa si isku mid ah usoo dhoweeyay qabsoomidda ciyaaraha
degmooyinka gobolka Banaadir, waxeyna intaa ku dareen in ciyaarahan ay
qabsoomayaan xiligii loo bahnaa.

Mohamed Yusuf , Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797. Mogadishu-Somalia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com