Wajiga labaad ee wadahadalada DFS iyo Jubaland oo Addis Ababa ka furmaya

Sheikh_Ahmed-_130613Wararka naga soogaaraya magalada Kismayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminay Axmad Maxmed Islaam oo ah hoggaamiyaha Maamulka Jubabbaland ayaa maanta ka ambabaxeen maglada Kismayo iyagoona ku siijeda magalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasoo lagu wado inuu ka furmo wajiga labad shir lugu wadahadal siinayo Dawladda Somaliya iyo Maamulka Jubbaland oo waayihii ugu dambesay ka dhaxtaagan muran siyaasadeed.

Sidoo kale, Magalada Addis Abab ayaa waxaa horay ugu suganaa wafdi kale oo kasocda Maamulka Jubbaland oo uu hoggaaminayo madaxweene ku xigeenka  Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyadoona lafilayo in Addis Ababa ay goordhaw gaaraan wafdi kale oo kasocda dawladda Soomaaliya iygoona labada dhinac ay kawada hadali doonaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhaxtaagan.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Addis Ababa ayaa muujinaya in shirkaasi oo ay marti galinayso Urur gobaleedka IGAD .

Shirka ayaa si rasmi maalinta berri oo bishan ay ku beegan tahay 20-ka August sannadka 2013-ka uu u furmi doonaa waana wajiga labaad ee lagu wada hadalsiinayo DF Somalia iyo iyo Maamulka Jubbaland.

Wajiga koobaad ee shirkan ayaa dhamaadkii bishii June ee sanadkan Magaalada Addis Ababa  waxaa ku yeeshay wafdi kala socada dawladda Somalia iyo maamulka Jubabaland oo ay kala hoggaaminaayeen Wasiir dowlaha madaxtooyada Somalia Faarax Sheekh Cabduqaadir iyo madaxweynaha maamulka Jubbalanad Axmed Maxme Islaam kaasoo qodobadii lagu heshiyay ay ka mid ahaayeen in kulmada lasiiwado labada dhinac la sii wado .

Si kastaba ha ahaatee, Maalin ka hor ayay aheed markii ergayga gaarka ee qaramada midobay Nicholas Key uu kulan uu laqatay wasiirka armaha dibadda ee ethopai tatroos atnoon ay isku afkarteen in lafuro wada hadal u dhaxeya xukumadda somaliya iyo maamulka jubbalan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here