Wajiga labaad ee Shirka Garoowe oo goor dhaweyd furmay

Waxaa goor dhaweyd magaalada xarunta jaamacada PSU ee magaalada Garoowe ka furmay wajiga labaad ee Shirka Garoowe ee loogaga hadlayo arrimaha Dhabaha Geedi Socodka Nabada Soomaaliya.

Shirka oo uu furay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxa goob joog ka ah Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin.

Sida ay ku soo waramayaan wariyaasheena ku sugan magaalada Garoowe, waxaa shir gudoominaya kulanka maanta Ra’isulwasaare C/wali.

Mudada uu socon doono shirka waxaa lagu falan qeyn doonaa laba qodob oo kala ah Dastuurka iyo Nidaamka Federaaliga ah ee lagu dhaqi doono dowlada soo socota ee Soomaaliya.

Goor dhaw waxaa ku biiri doona shirka wufuud ka kala socda dowlada KMG Soomaaliya oo uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Amaanka xarunta uu ka furmay shirka ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana ku sugan ciidamo isugu jira kuwa Puntland iyo ciidamada Amisom.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.