Wajiga labaad ee Shirka Garoowe oo beri furmayo

Xukumada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in maalinta berito ah uu ka furmi doono magaalada Garoowe wajiga labaad ee shirka Roadmap ee loogaga hadlayo aayaha dowlada Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan dhinacyadi saxiixay heshiiski Garoowe ayaa lagu gorfeyn doonaa dastuurka cusub iyo arrimaha federaaliga ah ee ay ku dhisantahay dowlada KMG Soomaaliya.

Afhayeenka Xukumada C/raxmaan Yariisoow oo la hadlay saakay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in shirka uu furmi doono maalinta berito ah.

Maanta ayaa waxaa tagi doona magaalada Garoowe ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxda ugu sareysa dowlada KMG Soomaaliya si ay usii xaqiijiyaan amniga, waxaa ka mid ah ciidamo ka tirsan AMISOM.

Qaban qaabo xoog leh oo loogu jiro diyaargarowga shirkaasi ayaa laga dareemayaa Garoowe, iyadoo amaanka ay si weyn u adkeynayaan ciidamada maamulka Puntland.

Shirkan ayaa kusoo aaday xilli todobaad oo qura uu ka harsanyahay shirka magaalada London oo looga hadli doono xaalada dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.