Wajeer: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa Tooreey Qalka ka galiyay+Video

Dhaqaatiirka Isbitaalka Kenyata Hospital, ayaa ku guuleeystay ineey Faadumo Ibrahim kasoo saaraan Tooreey uu ninkeeda Qalka ka galiyay.

Faadumo Ibraahim, oo 32 jir ah ahna Hooyo 4 caruur ah leh, ayaa xalay waxaa Tooreey ku weeraray Ninkeeda, kaasoo ka galiyay Qalka ama daanka. Tooreeyda oo lafta ku dhegtay ayaa Faaduma xaaladeeda wax looga qaban waayay goobaha Caafimaad ee Wajeer, iyadoona saakay loo soo qaaday magaalada Nairobi.

Dad qaraabo la ah Faaduma, ayaa warbaahinta u sheegay in muran soo kala dhex galay iyada iyo Seygeeda, ay keentay inuu Tooreey ku weeraro islamarkaasina uu ka galiyo daanka iyadoona Tooreeyda ay qabsatay meel laf ah.

12721891272151127268312725981272593
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here