Wafti ka socda DFS oo gaaray Dhuusamareeb

 

Wafti ka socda DFS oo gaaray Dhuusamareeb
Wafti ka socda DFS oo gaaray Dhuusamareeb

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusemareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas ay maanta gaareen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdiga waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha, C/llaahi Goodax Barre, waxaa kaloo ku jira wasiirka amniga C/kariin Xuseen Guuleed wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow wasiir kuxigeenka arimaha dibada Muhad Maxamuud Salaad

sidoo kale waxaa diyaar qaasa Dhuusa-mareeb kutagay safiirka Soomaaliya u fadhiya Wadanka  Itoobita Axmed Cabdi Salaan. waxana uu ka qeyb qatay soo dhaweynta  Waftiga wasiirada ah

Wafdigan ayaa wali aan la hadlin warbaahinta waxaana la filayaa inay goordhow ka hadlaan u jeedka safarkooda balse wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in wafdi ay u yimaadeen sidii loo bilaabi lahaa dagaalada Shabaabka gobolka looga saarayo.

Lama oga sababta ay ugaraan wafdigan siddan u balaaran magalada dhuusamareeb , waxaa gobalka qaybo ka mid ah ku sugan ciidamo Ethiopian ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here