Wafdigii Kismaayo gaaray oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Wafdigii wasiirada ahaa ee maalmahan ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa maanta dib ugu soo noqday Magaalada Muqdisho kadib muddo labo cisho ah oo ay halkaasi ku sugnaayeen.

Markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa halkaasi saxaafada kula hadlay wasiirka wasaarada gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi kaasi oo sheegay in socdaalka safarkooda uu guul kusoo dhamaaday.

Wuxuu sheegay in Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo uu aad ugu mahadcelinayo sida wanaagsan ee ay Kismaayo ugu soo dhaweeyeen ugana soo sagootiyeen.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Kismaayo kulan ay kula soo qaateen masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo ayna kala soo hadleen arimaha maamul usameynta Jubbooyinka.

Hadalkiisa ayuu intaasi ku daray in muddo labo cisho ah soo joogeen magaalada Kismaayo iminkana ay dib ugu soo noqdeen Magaalo Madaxda Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here