Wafdigii raysul wasaaraha oo gaaray Kampala

1-4-300x199Wafdiga uu hoggaaminayo raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xaley gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo ay weheliyaan wasiirrada arrimaha dibadda, maaliyadda, warfaafinta, gaadiidka cirka iyo dhulka iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi ayaa intii ay ka soo ambixin magaalada Nairobi waxa ay booqdeen safaaraddii hore ee Soomaaliya oo dhismo uu ku socdo.

Waxaa lagu wadaa in uu raysul wasaaraha magaalada Kampala kula kulmo madaxda dalka Uganda, isagoo kala hadli doona arrimaha ammaanka iyo xiriirka labada dal.

Booqashadiisa dalka Uganda ayaa noqoneysa tii afaraad oo uu ku tago dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoo horey u booqday dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here