Wafdigii ay DFS u dirtay Kismaayo oo maanta Muqdisho kusoo wajahan

Wafdigii ay doowlada Federaalka u dirtay magaalada Kismaayo, ayaa lagu waramayaa ineey maanta kusoo wajahanyihiin magaalada muqdisho.

Wafdigan oo maalmihii lasoo dhaafay kulamo gooni gooni ah la lahaa maamulka halkaas ka taliya, waxgaradka aqoonyahanada iyo qaybaha kala duwan eek u dhaqan Kismayo, ayaalagu waramayaa in ay soo gaba gabeeyeen howshii ay halkaas u tageen.

Sidoo kale shalay duhurnimadii, waxaa magaalada Kismaayo ka amba baxay wafdigii ka socday Urur goboleedka IGAD oo maalmahaanba halkaas ku sugnaa, kuwaasoo sida la sheegay kulamo la lahaa dhinacyada isku haya siyaasada Kismaayo.

Dhanka kale waxa weli xaniban dhaq dhaqaaqii garoonka diyaaradaha Kismaayo, oo ay horay u xanibeen maamulka Axmed Madoobe, inkastoo diyaaradaha kayimada Nairobi uusan garoonka ka xanibneen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here