Wafdigi ugu horeeyey oo caalami ah oo Muqdisho soo gaaray

Iyadoo maanta la sugayey wufuud caalami ah oo ka qeybgaleyso caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa hada kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho wafdi ka socdo Turkiga.

Wafidigan oo uu hogaaminayo Ra’isulwasaare xigeenka Turkiga Baker Bozdag ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka gudi uu Madaxweynaha u xilsaaray soo dhaweynta.

Waxaa markiiba la geeyey xarunta madaxtooyada, goor dhawna waxaa la sugayaa wufuud kale oo caalami ah si ay u xaadiraan munsaabad weyn oo loo sameeynayo caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabada caleema saarka ayaa la filayaa in ay bilaabato ugu yaraan 12:00 duhurnimo ee maanta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here