Wafdigi Ra’isulwasaaraha oo gaaray deegaanka Carmo ee gobolka Bari

Wafdigi uu horkacayey ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Dr C/wali Maxamed Cali ayaa haatan gaaray deegaanka Carmo oo uu ku yaalo dugsiga tababarka ciidanka booliska Puntland.

Carmo oo 100km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Boosaaso ayaa waxaa kusoo dhaweeyey maamulka deegaanka, kan gobolka Bari iyo saraakiisha ciidamada amaanka ee Puntland.

Dr. C/wali iyo wafidgiisa oo ay ka mid yihiin qaar ka mid ah golahiisa wasiirada, xildhibaano iyo madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa halkaasi ka jeedinayo qudbad dheer oo uu kaga hadlayo socdaalkiisa.

Sida ay ku waramayaan wariyaasheena Puntland, ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu kaga sii gudbo magaalada Boosaaso.

Wixi warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa.