Wafdigi ka socday Turkiga oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa goor dhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaradaha Adan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo ganacsato ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha xubno ka kooban Golaha Wasiirada oo uu hogaaminayey Ra’isulwasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Beeraha.

Gaaroonka diyaaradaha oo amaankiisa ay sugayaan ciidamada AMISOM ayaa aad loo qurxiyey waxaana meel walba yaala calanka dalka Turkiga iyo kan Soomaaliya.

Kooxda Baambeyda ayaa u garaacday muusikada qaranka ee Turkiga sidoo kalana muusikada calanka dalkeena Soomaaliya ayaa isna goobta laga garaacay.

Wafdiga oo loo xiray wadada dheer ee isku xirto garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada ayaa la filayaa in goor dhaw ay gaaraan xarunta madaxtooyada.

Ujeedada ay u yimaadeen Soomaaliya ayaa lagu sheegay hir gelinta mashaariic horumarineed oo ay Turkigu ka fulin doonaan Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.