Wafdiga Somaliya uga qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay oo la kulmay Ban Ki-moon

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaarihi hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali oo ka qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay uga socdo dalka Mareykanka ayaa halkaasi kula kulmay xoghayaha guud ee UN-ka Ban Ki-Moon.

Mr. Cabdiwali oo uu u wakiishay ka qeybgalka shirkaasi madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Mr. Ban arrimaha amaanka, u gudbida dowlada cusub iyo taageero beesha caalamka ay u fidiso Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan Ra’isulwasaaraha ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu magaalada New York kula kulmo madax kala duwan oo ay ka mid yihiin Ra’isulwasaaraha Turkiga Erdogan, iyo Ra’isulwasaaraha Talyaaniga.

Waxyaabaha uu kala hadli doono madaxdaasi ayaa lagu sheegay xiriirka labada dal iyo sidi ay u taageeri lahaayeen siyaasada cusub ee ay hada gashay Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here