Wafdiga madaxweynaha oo gaaray Kampala

War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Wafdigii uu hogaaminayay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh, oo saakay ka ambabaxay Nairobi ay gaareen magaalada Kampala ee Xaruunta dalka Uganda.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Masuuliyiin katirsan doowlada Uganda, waxaana loo dhaadhiciyay aqalka Madaxtooyada ee looga arimiyo dalkaas.

Wariyayaasha lasocda madaxweynaha ayaa soo sheegaya, in madaxweynaha iyo Wafdigiisaba kulumo ay la yeelan doonaan madaxada ugu Sareeysa Uganda, islamarkaasna ay kawada hadli doonaan arimo Farabadan oo ay ku jirto arinta Ciidamada AMISOM, iyo sidii waqtiga loogu kordhin lahaa.

Uganda ayaa ah doowlada ugu badan oo ay Ciidamo kajoogaan gudaha Soomaaliya, waxayna Ciidamadeedu ka qayb qaateen xureynta magaalooyin farabadan oo gacanta ugu Jiray Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here