Wafdi wasiiro ah oo gaaray Xudur

Wafdi wasiiro ah oo gaaray Xudur
Wafdi wasiiro ah oo gaaray Xudur

Wafdi wasiiro iyo xildhibaanno isugu jirra ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, oo muddo 10 maalin ka hor soo gashay gacanta dowladda.

Wafdiga waxaa hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Bare, waxa ay markii ay gaareen Xudur la kulmeen maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka.

Waxaa la sheegay socdaalkooda in uu la xiriiro siddii ay qiimayn ugu soo sameen lahaayeen degmada Xudur ee gobalka Bakool oo laga soo sheegay in ay ka taagan tahay xaalad bini’aadinimo.

Horey waxaa xudur u tagay waddi ka socda hey’adda QM kuwaasoo doonaya in ay soo qiimeeyaan xaalada maadama intii badnaa dadkii ku noolaa halkaas ay ka qaxfyen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here