Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland oo Jabuuti u ambabaxay

 

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland oo Jabuuti u ambabaxay
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland oo Jabuuti u ambabaxay

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, ka hor inta uusan dhoofin, ayaa sheegay inay booqashadoodu la xiriirto casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen madaxda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay dowladda Jabuuti doorka ay ka qaadaneyso dib u dhiska dalka iyo soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta.

Wuxuu sheegay inay Jabuuti ciidamo u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan kooxda Al-Shabaab si Soomaaliya ay nabad u hesho.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inay booqashadooda Jabuuti qaadan doonto afar maalmood, kaddibna ay ku laaban doonaan Puntland.

Waa booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Cabdiweli Gaas uu ku tegay dalka Jabuuti tan iyo markii uu noqday madaxweynaha Puntland horraantii January ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here