Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha oo gaaray Baladweyne

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wasfiga oo ay qeyb ka yihiin mudanayaal kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa saakay ka duulay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Ugaas Khaliif ee Baladweyne kusoo dhaweeyey madaxda maamulka iyo saraakiil ka tirsan AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Haatan waxa uu ku suganyahay xarunta maamulka oo uu kulamao kula qaadanayo ku simaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan Axmed Inji.

Mudada uu joogo wasiirka arimaha gudaha magaalada Baladweyne ayuu la kulmi doonaa gudoomiyaasha saraakiisha ciidamada Itoobiya, kuwa AMISOM iyo saraakiisha ciidanka dowlada.

Kuma sii ekaan doono C/samad magaalada Baladweyne ee sidoo kale waxa uu tagi doonaan gobolada Bay iyo Gedo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.