Wafdi Uu Hogaaminaayo Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Maanta Gaaray Garbahaareey+Sawiro

C/xakiin maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya iyo wafdi nuu hogaaminayo ayaa maanta Barqonimadii waxay gaareen magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Wafdiga uu wasiirku hoggaaminayo ayaa waxay ka kooban yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana booqashadooda lagu sheegay inay la xiriirto dar-dargelin howlaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ay kawadaan gobolkaas.

“Mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmada ayaa wafdiga si weyn ugu soo dhaweeyay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana wasiirku uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka degmadaas ku nool,” ayuu yiri wariye ka mid ah kuwa la socda wafdiga.

Booqashadan oo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadanayso ayaa waxay noqonaysaa tii labaada oo wasiirka gaashaandhigga uu ku tago deegaannada laga qabsaday Al-shabaab, isagoo dhawaan booqday degmada Jowhar oo maalmo ka hor ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

“Qorshaha wasaaradda gaashaandhigga waa in lasii wado dagaallada lagula jiro Al-shabaab inta dalka oo dhan laga saarayo,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo ka warbixinayay howlaha horyaalla xukuumaddiisa, kaddib markii loo dhaarshay xilkan.

Booqashadaan uu maanta wasiirka gaashaandhiga ku gaaray Garbahaareey ayaa noqoneysa tii ugu horeesay tan iyo markii xilkaan loo magacaabay,sidoo kale degmada Garbahaarey ayaa waxay ka mid tahay dhowr degmo oo gobolka Gedo ka tirsan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay sannad ka hor, waxaana socdaalkan uu kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen shalay degmada Ufuroow oo ka tirsan gobolka Bay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here