Wafdi kasocday Jaamacada Carabta oo gaaray Muqdisho

3eb6f2bc-060e-4796-9c49-6ae55e82f42b_othermainWafdi uu hogaaminayey R/wasaare Kuxigeenka Dalka Kuwait ahna wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah ayaa waxay maanta gaareen Magaalada Muqdisho.

Waxa si heer sare ah wafdigaasi loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoona kadib wafdigaasi kulan ay la qaateen mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya.

Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah ayaa waxa wafdiga ku wehlinayey 8 Xubnood oo kasocday Jaamacada Carabta waxaana ay kulan la qaateen Wasirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle.

Waxay kawada hadleen labada dhinac sidii xiriirka loo wada xoojin lahaa iyadoona Jaamacada Carabta laga codsaday ka qeyb qaadashada dib udhiska dalka Soomaaliya.

Wafdigaan maanta gaaray Muqdisho waxa la sheegay inay hordhac uyihiin wafdi kale oo Jaamacada Carabta ka socda oo lagu wado dhawaan inay gaaraan Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here