Wafdi Kasocda UN-ka Oo Maanta Booqanaya Qaybo kamid Ah Sh/dhexe

Wafdigaan ka socda UN-ka oo shalay gaaray magaalada Jowhar, ayaa maanta waxaa lagu wadaa ineey booqdaan qaybo badan oo muhim ah, islamarkaasna katirsan Shabeelada Dhexe.

Goobaha ilaa iyo hada laxqiijiyay in wafdigaan ay booqan doonaan waxaa kamid ah, Saldhiga Jowhar, maxkamada, iyo xaruuntii ugu weyneyd ee ay daganaan jireen hay’adaha UN-ka.

Sidoo kale wafdigaan ayaa booqan doona Xaruumaha ay dadka barakacayaasha ka daganyihiin magaalada Jowhar, iyagoona qimeyn iyo indho indheyn kusoo samayn doona xaaladaha ay ku noolyihiin dadkaas.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaan wararkeena soo aadan insha alaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here