Wafdi Kasocda QM Oo Maanta Kulamo Laqaadanaya Ahlusuna

Wafdi kasocda QM oo shalay gaaray Degmada Dhuuso-mareeb ayaa lagu wadaa inuu maanta kulamo laqaato masuuliyiinta Ahlusuna ee kusugan halkaa, Wafdiga oo ka yimid magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa ku jira dad cadaan oo ka tirsan hey’addaha gargaarka ee hoostaga QM.

Ciidamada Ahlusuna ayaa ammaanka Degmada Dhuuso-mareeb si weyn u adkeeyay, si looga hortago in falal amni daro ah ay kadhacaan gudaha Magaalada.

QM ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay in laga cabsi qabo, in markale ay ka dilaacdo xaalad macluul ah Soomaaliya.

Socdaalka wafdigan uu ku yimid Degmada Dhuuso-mareeb ayaa noqonaya markii ugu horrsaysa ee wafdi ka socda QM ay ku hoydaan Dhuusamarreeb tan iyo markii Ahlu Sunna la wareegeyn.

Wafdigan kasocda QM ayaa maanta kulamo laqaadan doona madaxda Ahlusuna iyo dadka deegaanka.

Magaalada Dhuusa-mareeb oo ah magaalo istiraatiiji ah isku socodka gaadiidka Gobolada dhexe ayaa xalay Bandow lagu soo rogay iyadoo laxiray dhamaan jidadka soo gala magaalada sidookale waxaa lahakiyay dhamaan gaadiidki xiliyada habeenki ah soo gali jiray taasoo qeyb ka ah adkaynta ammaanka.