Wafdi kasocda Jaamacadda Mekerere oo Muqdisho ku sugan

Wafdigan ka socda Jaamacadda Mekerere ee kormeerka ku tegay xarunta Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa u jeedkoodu la xiriirtay sidii ay u indho indheyn lahaayeen qaabka wax lagu baro ardayda, iyagoo qeybaha ay ka koobantahay Jaamacadda kormeeray, halkaasi oo ay warbixinno kaga dhageysteen mas’uuliyiinta sar sare ee Jamaacamadda Somali International University ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SIU xilli ay ardayda u fadhiyeen Imtixaan.

Prof, Yaxye Cali Ibraahim Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in u jeeddada socdaalka xubnahaasi ay tahay sidii loo xoojin lahaa heshiis ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta Jaamcadaha Somali International University  iyo Mekerere University ee dalka Uganda.

“Heshiiskii dhacay bishi Febraayo ee dhexmaray Jaamcadaha Mekereeye iyo SIU ayaa n xoojineynaa waxa ay indho indheynayeen sida aan ardayda wax u barno, beri waxaa qabaneynaa xaflad lagu furayo xarun lagu  barto luqadda English-ka, waxa aan ka shaqeyneyno waxa ay tahay sidii ay Jaamacaddu ku gaari lahayd darajada ugu sareysa ee ay gaarto Jaamacad dalkan ku taala, Hamigeenana waa intaa” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Guddoomiyaha Somali International University.

Wafdigan ka socda Mekere University oo uu horkacayo Prof Aaron Mushengyezi ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin in ay booqdaan xarunta ugu weyn ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya, isagoo xusay in tani ay xoojineyso xiriirka labada Jaamacadood ka dhexeeya oo ay kalhore saxiixdeen, sidoo kale waxa uu amaan u jeediyay nidaamka ay Jaamacaddu ku qaadayso Imtixaanka.

“Waxaan Prof Yahye uga mahadcelinayaa booqashadii uu markii hore noogu yimid Mekere University si aan u sameysano heshiis lagu horumarinayo waxbarashada sare ee labada Jaamacadood, Jaamacada Makerere waxa ay ka midtahay Jaamacadaha ugu faca weyn ee Qaaradda Afrika ku yaalla, waxaana la aas aasay sanadkii 922” ayuu yiri Prof Aaron.

talaabadaan ayaa ah mid mas’uuliyinta labada Jaamacadood ay ku doonayaan inay ku horumariyaan waxbarashada, iyadoo ay fursad u tahay dhamaan ardayda wax ka barata labada Jaamacadood.

DSC02047 DSC02049 DSC02051 DSC02052 DSC02053 DSC02054 DSC02055 DSC02057 DSC02058 DSC02060 DSC02061 DSC02062 DSC02063 DSC02065 DSC02066 DSC02067 DSC02069 DSC02071 DSC02073 DSC02075 DSC02076 DSC02080 DSC02085

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here