Wafdi Kasocda Dawlada Qadar oo maanta Tagey Garowe (SAWIRO)

Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal  si wanaagsan loogu soo dhaweeyey ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaliya Xassan Xamze iyo wafti uu hogaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimi maamulka  Puntland.

Soo dhaweynta wafdiga ka socday Dawladda Qadar waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kaga qeyb qaatay Wasiiro katirsan  maamulka Puntland ,Waxgarad ,Haween iyo dhalinyaro ku labisanaa Calanka Soomaliya iyo kan Dawladda Qadar iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada maamulka  Puntland.

Intaas ka dib ayaa wafdiga waxaa loo soo gudbiyey Madaxtooyada maamulka  Puntland ee Garoowe waxana halkaasi si kal iyo lab ah ugu soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku simaha Safiirka Dawladda Qadar ee Soomaliya Xassan Xamze iyo wafdiga la socday uga mahadceliyey booqashada ay Puntland ku yimaaden .

Xassan Xamze ayaa ugu dambeyn dhankiisa ka mahdceliyey sida loogu soo dhaweeyey Puntland isagoona si gaar ah ugu Mhadceliyey Madaxweyne Gaas.

19 35 55 74 210

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here