Wafdi ka socda UN-ka oo ka dagay magaalada Beledweyne

Wafdi ka socda Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa goor dhaweyd ka dagay magaalada Beledweyne halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka socota dowlada KMG Soomaaliya.

Xubnaha wafdigaan oo uu hogaaminayo C/laahi Warsame oo xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada ee UN-OCHA ayaa haatan wada hadalo kula leh Beledweyne saraakiisha dowlada, kuwa Itoobiya iyo waxgarad ka socda Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulanka oo amaankiisa ay sugayaan ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa loogaga hadlayaa habki ay hey’adaha samafalka Qaramada Midoobay uga howlgali lahaayeen magaalada iyo sidi ay ula shaqeyn lahaayeen maamulka cusub ee la filayo in loo sameeyo gobolka Hiiraan.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaa lagu wadaa in dhawaan ay maamul cusub u magacawdo gobolka Hiiraan.

Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlada KMG Soomaaliya, C/laahi Goodax Barre oo hogaaminayey wafdi maalmo soo joogay Beledweyne ayaa sheegay in ay isku afgarteen iyaga iyo qeybaha kala duwan ee qabaa’ilka dego Hiiraan in la sameeyo maamul cusub oo yeelan doono gudoomiye iyo sadex gudoomiye ku xigeen.

Baladweyne ayaa ah magaalo Istaraatiiji ah waxaana ay soo gashay gacanta dowlada bilowgi sanadkaan markaas oo ay ciidamo Itoobiyaan ah ka saareen Xarakada AL Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.