Wafdi ka socda QM oo booqday Buuloburte

Wafdi ka socda QM oo booqday Buuloburte
Wafdi ka socda QM oo booqday Buuloburte

Magaalada Buuloburte ee gobalka Hiiraan waxaa gaakay shaley galinkii dambe wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay kuwaasoo doonaya in ay u kuur galaan xaalada magaalada oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Xubnaha wafdigan oo ka yimid magaalada Muqdisho, kuna laabtay isla Muqdisho ayaa waxaa horkacayay Cumar Katiliyoone oo ah la taliyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka Somalia,iyadoo garoonka diyaaradaha ee degmada Buulo-burte ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka dowladda Soomaaliya.

Saraakiil u hadlay maamulka gobalka Hiiraan ayaa shegay in u jeedka wafdigan ay aheyd sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda amni ee degmada iyo sida gargaar loo gaarsiin karo dadka ku dhibaataysan Buulo-burte.

Kulan ay isla qaateen maamulka degmada Buuloburte iyo wafdiga QM ka socday ayaa la isku afgartay in hay’adaha QM ay kaalmo deg deg ah la gaaraan dadka ku dhibaataysan goobaha laga xoreeyay kooxda al Shabaab.

Tan iyo markii Al-Shabaab laga qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla bartamaha iyo Koonfurta dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa soo badanaysay qeylo dhaanta ka soo yeeraysa dadka ku nool magaalooyinkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here