Wafdi ka socda Q/Midoobey oo laga Sugayo maanta Jowhar

un-flag

Wararka lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Wafdi ka socda Qaramada Midoobeey ay maanta kusoo wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wafdigaan ayaa kala matalaya Hay’adaha FAO,WFP iyo Hay’ado kale kuwaasi oo kormeeri doona baa la yiri Xeryaha dadka Barakacayaasha ka deggan yihiin Jowhar.

Mas’uuliyiinta Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Maamulka Degmada Jowhar ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta Wafdigaasi oo socdaal dhinaca dhulka ku imaan doona Magaalada Jowhar.

Arinta ugu weyn ee ay u imaan doonaan Magaalada Jowhar Wafdigaan waxa la sheegayaa inay tahay qiimeyn ay ku sameeynayaan Fatahaada laga cabsi qabo in uu sameeyo Webiga Shabelle.

Warar kale aan helayno waxay sheegayaan in dhawaan dib loo furi doono Xafiisyadii Qaramada Midoobeey ku lahaayeen Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here