Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo tagay Beledweyen

Wafdi ka socday Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa maanta tagay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo ka koobnaa 5  xubnood ayaa waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Ugaas Qaliif saraakiil Itoobiyaan ah iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka KMG Soomaaliya oo ku sugan magaalada.

Madaxa dhinaca amaanka ee Hey’adaha Qaramada Midoobay ayaa hor kacayey wafdigan, waxaana marki laga soo dajiyey garoonka Ugaas Qaliif la geeyeyxarunta WFP ay ku laheyd magaalada Beledweyne halkaasi oo uu ka dhacay kulan ay la qaateen qeybaha bulshada rayidka ah.

Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/laahi oo galabta la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ujeedka wafdiga uu ahaa sidii ay u qiimeyn lahaayeen xaalada dhinaca amaanka ee magaalada Beledweyne.

.

Goor danbe oo galabta ah ayey dib ugu laabteen wafdigaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay kasoo amba baxeen barqadi maanta.

Magaalada Beledweyne ayaa waxa horay u heysan jiray Al Shabab oo dalka ka mamnuucay dhamaan hey’adaha samafalka oo ay ku jiraan kuwa Qaramada Midoobay sida WFP, laakin marki laga bixiyey dhamaadki sanadki hore ayey hada u muuqataa in hey’adaha UN-ka ay dib u bilaabayaan howlahooda.