Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Muqdisho yimid

Wafdi ka socda Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa oo uu hogaaminayey isku duwaha dhinaca bani,aadanimada Mark Bouden ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo marki ay yimaadeen kulan kula qaatay xafiiskiisa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, C/samad Macalin Maxamuud ayaa ka hadlay xaalada dadka barakaca ah iyo qoysaski ku guryo beelay kasaariada guryahi hore ee dowlada.

Mr Bowden oo la hadlay saxaafada kulanka kadib ayaa sheegay in uu kala hadlay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya sidi dib loogu celin lahaa goboladi ay ka kala yimaadeen dadka barakaca ah ee ku sugan Muqdisho, dib u dajin lagu sameeyo dadki laga saaray guryihi hore ee dowlada iyo sidi hey’adaha UN-ka ay dib uga howlgali lahaayeen meelaha ay maamusho dowlada KMG.

“Waxaan ka wada hadalnay wasiirka arimaha gudaha, waxaan ka wada hadalnay sida ugu macquulsan ee sidi loogu celin lahaa meelihi ay ka yimaadeen dadki kasoo barakacay gobolada, waxaan kale oo aan ka wada hadalnay sidi dib u dajin loogu sameyn lahaa dadki laga bixiyey guryihi hore ee dowlada,”  ayuu yiri.

Tan iyo marki la galay sanadkan cusub, waxa ay dowlada waday dib u celinta qoysaski kasoo cararay abaarihi ku dhiftay dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada koonfureed iyada oo kaashaneysa hey’adaha xaga samafalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.