Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo Maanta Gaaray Magaalada Marka

Wafdi ka socda qaramada midoobay ayaa maana gaaray Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga oo la socday diyaarad Helicopter ah ayaa waxa ay ka duuleen Magaalada Muqdisho iyaga oo caga dhigtay deegaanka Shalaambod halkaasi oo gaadiid looga qaaday islamarkaana la geeyay Magaalada Marka ee xarunta Gobalkaasi Shabeelaha Hoose.

Masuuliyiinta maamulka Magaalada Marka ee Gobalkaasi ayaa la sheegay inay kulan la qaateen kuwaasi oo ay kawada hadleen arimaha Gobalka iyo Baahiyaha ka jira.

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose C/salaan Macalin Cabdulle oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in wafdigaasi ay soo gaareen Magaalada Muqdisho ayna kawada hadleen maamulka Gobalka Baahida ka jirta Gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in wafdiga uu ka socday Hay’adaha kala ah UNDP, WHO, UNICEF oo dhamaan qaabilsan arimaha dhanka Bini’aadinimada kuwaasi oo warbixino kasoo dhageestay maamulka Gobalkaasi kadibna kasoo taagy halkaasi.

Magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay kamid tahay Magaalooyinkii Shabaab lagala wareegay iyadoo ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay iminka halkaasi ku sugan yihiin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here