Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo goor dhaweyd ka dagay Garoowe

Waxaa goor dhaweyd magaalada Garoowe ka dagay wafdi uu hogaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahiga.

Wafdiga oo kasoo amba baxay magaalada Nairobi ayaa waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada.

Mahiga ayaa ku biirayo madaxweynaha Soomaaliya, Gudoomiyaha baarlamaanka iyo wufuud kale oo shalay iyo doraad gaaray magaalada Garoowe oo uu saacadaha soo aadan ka furmi doono magaalada Garoowe.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo ka amba baxay maanta magaalada Muqdisho ayaa isna la filayaa inuu gaaro Garoowe.

Shirka wada tashiga ayaa sida la rajeynayo furmayo saacadaha soo aadan, waxaana uu u muuqdaa inuu furmi doono galabta.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 
midnimo12@googlemail.com