Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Baydhabo

Wafdia ka socday Jimciyada Qurumaha Ka dhaxeyso ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kuwaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga oo u kuurgalayey xaaladaha bani,aadanimo iyo amni ee ka jira magaalada ayaa waxaa ay la kulmeen maamulada Gobolka iyo kan degmada Baydhabo iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Gudoomiyaha gobolka Bay, C/fatax Geeseey ayaa sheegay in ay kala hadleen sidi gargaar bani,aadanimo loo keeni lahaa gobolka iyo sidi ay UN-ka xafiisyadoodi uga furan lahaayeen Baydhabo.

“Wafdi ayaa soo gaaray Badyabo, waxaa hogaaminayey Mark Bowden waxaana uu ka koobnaa 16 xubnood, waxaana ay isugu jireen dhamaan hey’adaha kala duwan ee dhanka gargaarka, waxay la kulmeen ururada Bulshada iyo maamulka gobolka iyo kan degmada” ayuu yiri.

Waa wafdigi ugu horeeyey oo ka socda Qaramada Midoobay oo booqday Baydhabo tan iyo marki laga saaray Al Shabaab bishi hore.