Wafdi ka socda Ireland oo Muqdisho yimid [Sawiro]

Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskii ku qaabilay wafti uu hogaaminayoRa’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada iyo Ganacsiga eeDalka Irland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyey Ra’iisul wasaare ku xigeen ahnaWasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane, Cabdiwahab Ugaas Khaliif UgaasXuseen, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane: Cabdulahi GodaxBare, iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane: C/qaadir Xusein Jaahweyn.

Ugu Horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Irland Eamon Gilmore ayaa aad u soo dhaweeyeydadaalka ay wado Xukuumada kaas oo dalka looga saarayo KMG, isagoona kutilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday oo lagu xaqiijinayo inSoomaaliya ka dhalato dowladd rasmi ah, sidoo kole waxa uu soo hadal qaaday inDowladda Irland ay ka wado Soomaaliya mashaariic badan kuwaas oo isugu jiradhanka Bana’adanimada iyo mashaariic lagu hormarinayo dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Irland ayaa sheegay in dhamaan deeqaha ay bixiso dowladiisu aysoo maraan EU iyo UN ayna wax weyn ay ka badashy deeqdaas Abaarihii ku dhuftaykoonfurta Soomaaliya sanadkii hore, waxaa kale oo uu sheegay in nabdgalaydamagaalada Muqdisho uu ku muuqdo isbadal wanaagsan dowladiisuna ku tala jirtosidii ay Soomaaliya ula samaysan lahayd heshiis wax wada qabsi mustaqbalkadhow.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaauga mahadceliyey waftiga Irland booqashadooda isagoona sheegay in Irland safkahore kaga jirto dowladdaha ka shaqeeya horumarka Soomaaliya waxaana uu soodhaweeyey mashaariicda kala duwan oo ay ka wadaan Soomaaliya, iyo in labadadowladood yeeshaan xariir wanaagsan. Sdioo kale Ra’iisul wasaare Gaas wuxuuwarbixin kooban ka siiyey Waftiga isbadala siyaadeed oo dalka ka socda iyo inloo fadhiyo ansixintii Dastuurka si Soomaaliya 20 Augst uga baxdo KMG.


 


 


 


 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here