Wafdi ka socda IGAD oo maanta gaaray Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray wafdi kasocda urur goboleedka IGAD, wafdigaas oo xaqiiqo raadis ah waxaa la sheegay ineey kulamo la qaateen ururada Bulshada iyo gudiga farsamada ee loo xilsaaray dhismaha Jubaland.

Wafdigaan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaay Muqdisho, waxaana ay kulamo la qaateen Ra’iisul wasaare Saacid iyo xubno katirsan golihiisa wasiirada.

Wafdiga IGAD ka socday ayaa barqonimadii maanta gaaray magaalada kismaayo, wafdigaan waxaa hogaaminayay Injiner Maxbuub Macalin oo ah xoghayaha guud ee Urur goboleedka IGAD.

“Waxaa noo yimid wafdigii ballaarnaa ee kasocday Urur goboleedka IGAD, waxayna la kulmi doonaan ururada kala duwan ee Bulshada” sidaa waxaa yiri ku xigeenka Axmed Madoobe Fartaag.

Wafdigaan waxaa looga heshiiyay in Kismaayo loo diro shirkii ADDIS-ABABA ka dhacay bishaar aan kujirno sadexdeedii, shaqadiisana waxay noqon doontaa ineey soo ururiyaan xaqiiqda iyo waaqiciga kismaayo yaala, kadibna waxay ku war celin doonaan madaxda IGAD bishan May dhamaadkeeda shir ka dhici doona ADIS-ABABA.

Wafdiga xubnaha uu ka koobanyahay waxay ka kala socdaan wadamada IGAD eek ala ah, Kenya, Ethiopia, Koofurta Sudan, Sudan, Uganda iyo doowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here