Wafdi ka socda hay’adda Intersos oo gaaray Jowhar

IntersosWafdi ka socda hay’adda Intersos ee ka shaqeysa caawinta dhibbanayasaha musiibooyinka dabiiciga ah ayaa tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga ayaa u kuur-gelayay baahiyaha caafimaad ee ka jira isbitaalka degmada Jowhar iyo inay wax ka ogaadaan xaaladaha nololeed ee dadkii ay saameeyeen fatahaadaha webiga Shabeelle.

Waxa ay kulamo la qaateen maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo  kan degmada Jowhar.

Xasan Mahad Cabdi oo ah sarkaal ka tirsan hay’adda Inter-Sos ayaa sheegay in wafdigu ay ka jawaabi doonaan baahida jirta marka ay helaan macluumaadka xaaladda dhabta ah ee baahiyaha jira, isaga oo ka mahad celiyay soo dhoweynta ay maamulka gobalka iyo kan degmada jowhar u sameeyeen wafdiga.

Jowhar waxaa ku sugan dad badan oo ay saameeyeen fatahaadaha uu sameeyay webiga Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here