Wafdi Ka Socda Finland Oo Maanta Muqdisho Soo Gaaray

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi kasocda dalka Finland, wafdigan ka socda dowladda Finland ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibada dalkaasi waxaana socdaalkiisa ku wehliyay wasiirka kheyraadka, wasiirka hormarinta, u qeybsanaha Filand wadamada Afrika iyo sariifka dalkaasi u fadhiya Soomaaliya.

Wafdigaan kasocda dalka Finland ayaa waxaa hogaaminayay, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland Erkki Tuomioja. Heidi Hautalaa

Wafdigaan ka socday dalka Finland ayaa kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa doowlada Soomaaliya sida, Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, Raysalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon, Wasiirka Arrimaha Dibadda Fowsiya Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Adeega Bulshada Maryam qaasim, sidoo kale w waxaa wefdigu kulan la qaadan doonaa Guddoomiyaha hay’adda Sharcidejinta Prof.Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, wefdiga ayaa la kulmi doona ururada rayidka ah ee bulshada u adeega

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ka codsadey dalka Finland in ay wax kala qabao 5 mashruuc oo dowladdu dooneyso in ay ka hirgeliso degmooyinka dalka, kuwaas oo asaas u ah horumarka Bulshada.

Booqashada wafdigan kasocda dalka Finland, ayaa qayb ka ah booqashooyin is daba joog ah, oo waayadi danbe ay magaalada muqdisho ku soo gaarayeen wufuud heer Caalami ah, kuwaasoo doowlada Soomaaliya u ballan qaaday ineey ka taageeri doonaan dhinacyada horumarka iyo amaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here