Wafdi ka socda dowladda Britain oo tagay Kismaayo

Wafdi ka socda dowladda Britain oo booqday Kismaayo
Wafdi ka socda dowladda Britain oo booqday Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa maanta tagay booqasho gaaban ku tagay wafdi uu hoggaaminayo danjiraha dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya Neil Wigan.

Waafdiga ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo qaar ka tirsan odyaasha dhaqanka ee magaalada Kismaayo, wuxuuna kala hadlay dardargelinta mashaariic horumarineed oo ay dowladda Britain ka waddo Kismaayo.

Hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay siiso maamulkiisa sida; dayactirka garoonka kubbadda cagta  Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa ka codsaday dowladda Britain in ay gacan ka siiso maamulkiisa tayaynta iyo tababarka ciidanka iyo dib-u-dhiska waddooyinka iyo xarumaha dowladda ee magaalada Kismaayo.

Wafdi ka socda dowladda Britain oo tagay Kismaayo

1 COMMENT

  1. Arintaan waxay karaamo xumo ku tahay R/ abdi weli waayo dadaalkii kismaayo aqoonsigii axmed madoobe weyneyntii damaca darood kooxda dulmiga godkii qiyaanada ayuu ku dhacay axmed madoobe waa munaafaf sida uu u dhaqmo camalkiisa wuxuu qeyb ka yahay xasuuqa soomalida ku socdo sheekadaan meeshey ku dambeyso la arki dooneee waxaa soomaliya loo wadaa in ay weligeed dagaal aysan ka bixin
    waxaa cadaatey in kuukeyda aysan rabin in ay soomaliya nabad noqoto meeshey dowlada soomaliya ay raali gelin siin lahayeen waxay qunsul geesteen kismaayo taas macnaheeda waa jees jees waxay arkeen dabadhilifka axmed madoobe aan la heyn damiis soomalinimo waayo wuxuu moodey in ay soomaliya iib tahay waxaan oran lahaa wuxuuu ku jiraa riyo maalmeed
    Waxaa jawaan cad laga sugayaa in dowlada uu hogaamiyo R/w abdi weli in uuu dulmiga soomalida lagu kala qeybinaayo lana rabo in ay dagaalada siii socdaan hadii ay soomali nabad rabto waa in ay soomaliya laga saraa kuukeyda rafaadka soomaliya loogu geesanaayo doqonka axmed madoobe kursi uu ku iibsadey sharafkii iyo karaamadiii soomaliya waxaad ogaataa beri marka laguugu dan gaaro in mid lake ragaaa raaci doono adigana meel xun ay kuu dambeydoonto dulmigaad sameyneyso ogow in lagu weydiin doono maalinta aakhiro ilaah hortiisa kursi jeceel munaafaqnimo been maanta waxaad ku dartey in aadan aqoon danta aad leedahay dowlada way u sahlan tahay in ay 24 saac u qabato qunsul beeneedka aan xalaasha aheyn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here