Wafdi ka socda doowlada oo maanta Gaaray Kismaayo Faah-faahin

Wafdi ka socda doowlada Soomaaliya kana kooban xubno wasiiro ah ayaa maanta ka anba baxay magaalada Muqdisho ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose, ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, sidoo kale wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka Maaliyada iyo lacagta, Maxamuud Xasan Saleebaan iyo wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, iyo saraakiil kaloo katirsan doowlada.

Majirto wax faah-faahin ah oo ay doowlada ka bixisay safarka wasiirada oo lagu wado inuu noqdo safar hal maalin ah, waxaase lafilayaa ineey kulamo la qaataan mamulka KMG ah ee Kismaayooo ay isla soo qaadaan shirka mamul u samaynta oo ay doowlada ka baaqsatay furitaanka shirkaasi.

Booqashadaan ayaa sidoo kale waxay imaaneeysaa laba maalin kadib markii magaalada Kismaayo uu ka dhacay iska hor’imaad dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo halkaas ku dhexmaray dhinacyo hubeysan.

Inkastoo madaxda ka socota doowlada Soomaaliya ay horay u booqdeen magaalada Kismaayo, hadana xiriirka u dhaxeeya doowlada iyo maamulka Kismaayo waxa uu u ekaa mid dabacsan ama gaabis ah.

Magaalada kismaayo ayaa waxaa ka arimiya maamul uu madax u yahay Axmed Madoobe , kaas oo horay u sheegay ineey doonayaan ineey samaystaan maamul loo wada dhanyahay lagana dhiso gobolada Jubooyinka oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here