Wafdi ka socda DFS oo ka qayb galaya shir ka soconaya wadanka China “SAWIRRO”

Waxaa Magaalada Beijing ee Caasimadda wadanka China ka soconaya maalintii seddexaad shirka labaad ee iskaashiga wadamada carabta iyo China (China-Arab States Cooperation Forum “CASCF”) , kaasoo ay ka qeybgalayaan 60 xubnood oo kala matalaya wadamada carabta, iyadoo dowladda Soomaaliya ay u fadhiyaan kulanka Wakiilo ka socda Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga .

DSC02157

Shirkani oo uu barbar socdo booqashooyin xubnaha ka qeybgalaya loo geynayo goobo la dalxiis tago ,matxafyada qaranka, magaalooyin fog fog , goobo waxbarasho, xarunta shabakadda Internet-ka China iyo xarumo kale oo muhiim ah , ayaa waxaa ka mid ah goobaha loo dalxiis geyn doono Magaalada quruxda badan ee Tianjin oo ay ku tagi doonaan tareen xowli ku socda , halka magaaada kale ee lagu magacaabo Chongqing ay ugu socdaali doonaan diyaarad, waxaana mudada ay magaalooyinkaasi booqanayaan loo soo bandhigayaa qaab dhismeedka magaalooyinka iyo dekadaha .

DSC01993

Agaasime kuxigeenka Waaxda Carabta ee Wasaaradda Arrimaha iyo iskaashiga Caalamiga Mustafa adam dagal iyo Ali Abdi Hoshow oo ah Madaxa Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda ayaa waxa ay jeedinayeen kulamadii is xig xigay ee ku qabsoomayay seddexdii cisho ee la soo gudbay dhismaha Wasaaradda arrimaha dibadda China iyo Hotelada kala ah Crowne Plaza iyo St.Regis talooyin ku aadan horumarinta Xiriirka Soomaaliya iyo China.

DSC02065

Shirkani , ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir ay yeelan doonaan Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta iyo China , kaasoo uu xigi doono shir madaxda wadamadaasi ay isugu imaan doonaan sida qorshuhu yahay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here