Wafdi ka socda Britian oo Muqdisho kula kulmay Ra’isulwasaaraha

Wafdi ka socda dowlada Ingiriiska oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kala hadlay dowlada KMG Soomaaliya arrimaha shirka bisha soo aadan ka dhici doona London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Matt Baugh oo ah u qeybsanaha dowlada Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya oo hogaaminayey wafdiga ayaa kulan albaabada u xirnaa kula qaatay madaxtooyada ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali.

Kulanka ayaa loogaga hadlay arimaha geedi socodka Soomaaliya iyo qaban qaabada shirka 23-ka bisha soo aadan ka dhici doona magaalada London kaasi oo ay soo qaban qaabisay dowlada Britain loogana hadli doono qadiyada Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Cabdiwali oo kulanka kadib saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey qodobadi ay iskula soo qaadeen isaga iyo Matt Baugh.

“Waxaan ka hadalnay arimo quseeya barnaamijka geedi socodka Soomaaliya, xoog saarida roadmap ayaan ka hadalnay, waxaan ka hadalnay shirki Garoowe iyo shirka 23-ka Febraury ka dhici doona magaalada London, wada hadalkina aad ayaan isugu af garanay.” ayuu yiri.

Ra’isulwasaaraha dalka Britain ayaa kaga dhawaaqay magaalada London dhamaadka sanadki tagay, in shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya lagu qaban doono magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.