Wafdi ka soccda Midowga Yurub oo maanta Muqdisho soo gaaray

Wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyaga oo la kulmay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Wafdigaan oo waxaa ka mid ahaa Nic Westcott Agaasimaha guud ee qeybta Africa ee Midowga Yurub, Alexander Rondes Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub Geeska Afrika, iyo George Mark Andrea madaxa qeybta Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Kulan ay xarunta madaxtooyada kula qaateen Ra’isulwasaare Cabdiwali kaga hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen arrimaha Soomaaliya, sii socod siinta Qariirada Nabada iyo Arimaha xaga Amniga.

Madaxa wafdigan  Nic Westcott ayaa u sheegay wariyaasha in ay u yimaadeen shirkii London kadib in ay qiimeeyaan arrimaha Roadmapka iyo sida uu u dhaqangalay, sidii loo soo afjari lahaa Xilliga kala guurka, sidii AMISOM iyo ciidamada qalabka sida ay ugu amaani lahaayeen xisilinta iyo xoreynta dalka, iyo sidii gobolada laga xoreeyo kooxaha Xagjirka ah sidii looga abuuri jawi nabadeed loogana saacidi lahaa in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada.

Sidoo kale, waxay diirada saareen ka hortaga Burcad badeeda iyo sidii loo sii ballaarin lahaa howlgalada Atlanta ee la dagaalanka Burcad badeeda, isaga oo tilmaamay in Midowga Yurub uu qorsheynayo in sidii howlgalkooda ay dhulka uga bilaabi lahaayeen iyaga oo kaashanaya dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.