Wafdi heer wasiir ah oo gaaray Baydhabo iyo kulamo ay la qaateen maamulada Bay iyo Bakool

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdiga oo ka koobnaa wasiirka difaaca, ku xigeenkiisa, wasiirka caafimaadka iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Baydhabo saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada oo uu hogaaminayo xildhibaan Xaabsade.

Kulan ay wafdiga kula yeesheen magaalada Baydhabo gudoomiyaasha maamulada gobola Bay iyo Bakool ayey kaga hadleen xaaladaha amaanka goboladaasi iyo howlgalada ay wali ciidanka dowlada ka wadaan.

Gudoomiyaha gobolka Bay ee dowlada KMG Soomaaliya C/fataax Geeseey ayaa sheegay in wafdigan ay kusoo kordhiyeen dadka reer Baydhabo kalsooni, isaga oo ka gaabsaday mudada ay sii joogi doonaan.

Wuxuu sheegay in wasiirka caafimaadka dowlada KMG Soomaaliya geeyey Baydhabo gargaar dawo oo loogu tala galay xaaladaha dag daga ah, taasi oo uu uga mahad celiyey dowlada KMG Soomaaliya.

Waa wafdigi ugu cuslaa ee ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya oo ka daga magaalada Baydhabo mudo sadex sana ah kadib.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.