Wafdi ay Hogaamineyso Wasiiradda Arrimaha Dibadda oo ku Soo laabtay Muqdisho

Raisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hoggaamineyso ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho.

Marwo Fowsiyo ayaa faahfaahin ka bixisay safarro ay ku tagtay dalalka Britain iyo Talyaaniga, iyadoo sheegtay inay mas’uuliyiinta dowladda Ingiriiska kala hadashay xoojinta xiririirka ka dhaxeeya labada dal.

Marwada ayaa sidoo kale sheegtay inay madaxda wadamadaasi kala hadashay sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ammaanka iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayay sheegtay inay kala hadashay adkaynta xiriirka labada dal, dib u soo nooleynta iskaashigii u dhaxeeyay labada dal ee la xiriiray mashaariicda horumarinta sida kalluumeysiga, beeraha iyo tababarka ciidanka, kuwaasoo istaagay muddadii ka dambeysay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxay sheegtay inay magaalada Rome kula kulantay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda cuntada adduunka (WFP) oo ay kala hadashay sidii ay dowladda uga taageeri lahayd qaxootiga dib ugu laabanaya dalka.

Booqashada ra’isal wasaare xigeenka ahna wasiirradda arrimaha dibadda Marwo Fowsiyo ayaa noqotay midi ugu horreysay oo dalalka Britain iyo Talyaaniga uu ku tagay masuul ka socda Soomaaliya tan iyo markii la dhisay dowladda cusub ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here