Wadooyinki gali jiray Xabsiga dhexe oo la jaray

Waxaa saakay la gooyay wadadi loo mari jiray xasbiga dhexe ee degmada Xamar Weyne kadib marki shalay ay ka dhaceen shaqaaqo.

Hal nin oo ka mid ahaa maxaabiista ayaa ku dhintay 10 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki ay isku dayeen shalay in ay baxsadaan qaar ka mid ah maxaabiista.

Maxaabiistaasi ayaa qaar isku dayey in ay ka boodaan dirbiga kuwaasi oo ay ciidamada ilaalada ka hayey rasaas ooda uga qaadeen, wararka qaar ayaa sheegaya in laba bam laga maqlay goobta.
Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen xabsiga dhexe kadibna ka sii daayeen goobta maxaabiis u xirnaa dowlada KMG.

Saakay ayaa wararka aanu ka heleyno xabsiga waxay sheegayaan in ay u xiranyihiin ciidamo boolis ah wadooyinka soo galo, iyadoo dadka jirkaasi maraya la baarayo, halka dadki booqan jirayna loo diiday.

Xabsiga dhexe ayaa waxaa lagu xiraa dadka lagu xakumo danbiyada culus, sidoo kale waxaa ku jiro rag la xakumay oo ka tirsan Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.