Wadooyinka Muqdisho oo saakay Xiran

 Wadooyinka Muqdisho ayaa  saaka xiran,waxaana lagu arakayaa ciidamada Nabadsugida Dowladda Soomaaliya oo taagtaagan wadooyinka.

Sida dad wadada kusoo socdaalay ay inoo sheegeen ciidamada ammaanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida ayaa saaka waxa ay xireen wadada kasoo baxda Isgooska Km4 ee Magaalada Muqdisho toosna ugasha Xarunta Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa ay wadada ka xiran tahay agagaarka Finta une October halka loo yaqaan halkaasi oo ciidanka ay ku sugan yihiin.

Ujeedada wadooyinka loo xiray ayaa waxa ay tahay in munaasabad ballaaran oo maanta ka dhici rabta Magaalada Muqdisho taasi oo ka dhacaysa Xarunta Generaal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa u dabaal dagaya sanadguuradii Lixdan iyo Sagaalaad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay ciidamada Booliiska Somaaliyeed.

Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ayaa laguwadaa inay kasoo qeybgalaan munaasabada islamarkaana halkaasi ay ka jeediyaan hadalo kala duwan oo ku qotoma shaqooyinka Booliiska.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here