Wadooyinka Muqdisho oo qaar la xiray iyo Ra’isulwasaare xigeenka Turkiga oo lagu wado inuu Muqdisho yimaado

Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bosdag ayaa saakay lagu wadaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Dhaq dhaqaaq balaaran oo lagu soo dhaweynayo yaa ka soconayo magaalada Muqdisho iyadoo haatan ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku suganyihiin madax ka tirsan dowlada oo soo dhaweyneysa mas,uulkaan.

Ciidamada amaanka ayaa xiray wadada isku xirto Garoonka Diyaaradaha iyo Madaxtooyada taasi oo loo diiday in ay isticmaalaan gaadiidka marka laga reebo dadka lugeynaya.

Wali lama oga ujeedada uu u imaanayo magaalada Muqdisho, laakin waxaa la leeyahay waxa safarkiisa uu la xiriiraa arimo ku saabsan xaga bani,aadanimada.

Hadii uu yimaado mas,uulkan waxa uu safarkaan u noqonayaa kii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado, bishi March ee sanadkaan ayuu soo booqday caasimada Soomaaliya.

Turkiga ayaa ka wada Soomaaliya mashaariic horumarineed kuwaasi oo uu horay ugu dhawaaqay Ra’isulwasaare Erdogan oo Ramadaanki hore soo booqday Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here