Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan saakay xiran

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaa saakay intooda badan xiran,waxaana meel walbo taagan Askarta Ciidamada doowlada Soomaaliya.

Waxaa xaniban dhamaan dhaq dhaqaaqa gaadiidka dad weynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, wadooyinka xiran ayaa waxaa ugu muhiimsan wadada Maka Al-mukarama oo iyada ah wado ay intabadan isticmaalaan masuuliyiinta doowlada Soomaaliya iyo AMISOM.

Warar hoose oo aan heleyno waxay sheegayaan in wafdi heer Caalami ah uu maanta kusoo fool leeyahay magalada Muqdisho, iyo sidoo kale in madaxweynaha Soomaaliya isna uu damacsanyahay inuu kormeer kusoo sameeyo qaybo kamid ah magaalada.

Wixii warar ah ee kusoo kordhana waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo aadan insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here