Waddooyinka Muqdisho oo maanta xiran

Mogadishu (Midnimo)-Waxaa saaka xiran wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo badan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo ammaanka sugaya.

Sababta loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay shirarka Muqdisho ay martigelineyso maanta iyo berri oo Talaado ah, kuwaasi oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dhaqaaalaha.

Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ayaa keliya saaka waxaa isticmaalaya Gaadiidka ay wataan Masuuliyiinta Dowladda iyo Gaadiidka Dagaalka ee Ciidamada Dowladda ay wataan, Gaadiidka shacabka ayaa maraya wadooyinka xaafadaha.

Shirarkan gaar ahaan midka maanta furmaya ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galaya Madaxda Dowladda, kuwa Maamul Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka.

Maamulada qaar ka tirsan Iskuulada iyo Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho ayaa shalay ku sii wargeliyay Ardayda in Isniinta ay fasax yihiin goobaha Waxbrashada, waxaana maanta xiran qaar ka tirsan goobaha waxbrashada.

Ciriiriga ka jira waddooyinka Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here